
Runta News-Seattle, Washington
Sida lagu qoray bogga Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Washington (DOH), cudurka Jadeecada ayaa aad ugu sii fidaya deegaano badan oo gobolka ka mid ah. Sida boggan lagu caddeeyey, Jadeecadu waxa looga hortagi karaa tallaal, waxana cudurkani si sahlan ugu dhex faafi karaa dadka aan tallaalneyn.
“Xaaladaha Jadeecada ama (Measles Cases) waa kuwo ku sii kordhaya guud ahaan dalka Mareykanka iyo dalal badan oo dunida ah. Waxanu si joogto ah daba socod ugu jirnaa xaaladaha jadeeco iyo faafitaankooda ee gobolka Washington. Dhammaan macluumaadka aan heyno waa kuwo horudhac ah isbeddelna uu ku iman karo mar kasta”, ayaa lagu yiri boggan Wasaaradda Caafimaadka DOH.
Sida aannu ka soo xigannay hey’adda magaca weyn ku leh dhinaca caafimaadka ee loo yaqaano Mayo Clinic, Jadeecadu (Measles) waa cudur aad la isu qaadsiiyo, ahna qatar hawada ku dhex noolaan karta oo sababna u noqon karta in qofku ay ku dhacdo uu dareemo ama lagu arko qandho kulul, qufac, sanka oo diif ka da’o, indhaha oo gaduuta, iyo baro yar-yar oo jirka ka soo muuqda.
Haddii qofku qunfaco ama hindhiso, feyraska afkiisa ama sankiisa ka soo butaaca waxay hawada ku sii noolaan karaan ilaa labo saacadood. Iyadoo aaney jirin dawo gaar ah oo lagu daweeyo jadeecadu, waxa looga hortagi karaa tallaalka loo yaqaano MMR. Dhibka laga dhexlo waxa ka mida neefsiga sambabada (pneumonia), maskaxda oo bararta, iyo dhimasho.
Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Washington (DOH) oo kaashaneysa bulshooyinka kala duwan ee ku nool gobolka waxey dhowaan qaadday olole ballaaran oo ay dadka ku wacyi-gelineyso iney naftooda ka difaacaan cudurkan Jadeecada ee sida aanu kor ku sheegnay ku sii fidaya gobollo badan oo ka mida dalka Mareykanka. Waxanu idiin soo gudbin doonnaa wacyi-gelin la xiriirta sidii looga hortagi lahaa cudurkan inta aannu noqon halis aad u baahsan.
Fadlan dadka la wadaag macluumaadka si aannu si wadajir ah ula tacaalno in cudurkan Jadeecada ah la xakameeyo. Macluumaad intaa ka badan ama la xiriirta, fadlan kala soco Doh.wa.gov/measles-cases-washington-state