
Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha
Shuruudaha
Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:
- Muwaadin Mareykan ah
- Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
- Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada- Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan
Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto
- Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
- Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda
Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
- Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa Sida la isku diiwaan geliyo
Oonleen
Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusbooneysiin kartaa oonleenka barta VoteWA.gov. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Oktoobar 26 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ah ee Nofeembar 3.
Boostada
Ka soo degso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha barta kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u cusbooneysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Oktoobar 26 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ah ee Nofeembar 3.
Shakhsi ahaan
Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa barta xarunta codbixinta ilaa iyo Nofeembar 3, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kce.wiki/VoteCenters.
Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa Cusbooneysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusbooneysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Oktoobar 26 wakhtiga kama dambeysta ah ee ku aaddan Doorashada Guud iyo Gaarka ah ama shakhsi ahaan noogu soo booqo mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ilaa iyo Nofeembar 3, Maalinta Doorashada, kuwaas oo lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.
Macluumaadka warqadda codbixinta
Maalinta Talaadada, Nofeembar 3, 2026 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doonta Doorasho Guud iyo Gaar ah oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada. Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay.
Caawinaad ayaa diyaar ah
Caawinnaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
Shirarka guddiga shahaadaynta doorashooyinka
Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:
- Nofeembar 12, 1:30 p.m.
Shirka Koowaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King
- Nofeembar 18, 1:30 p.m.
Shirka Labaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King
- Nofeembar 23, 1:30 p.m.
Shirka Saddexaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King
- Nofeembar 24, 3:00 p.m.
Shirka Shahaadaynta oo Muuqaal ahaan loogu qabanayo bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King
Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Oktoobar 8, 2026. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 9 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.
Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Nofeembar 2, 2026, 8:00 a.m.
Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan barta 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Ciwaanka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King waa www.facebook.com/kcelections. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.
Nala soo xiriir
Taleefan:
206-296-VOTE (8683)
1-800-325-6165
TTY Relay: 711
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Onleen: www.kingcounty.gov/elections
Boosto ama shakhsi ahaan:
919 SW Grady Way
Renton, WA 9805