Home FEATURED King County Metro Waxey Soo Saartay Wargelin ku Saabsan Kordhinta Adeegyo Muhiim Guud Ahaan Degmada King County

King County Metro Waxey Soo Saartay Wargelin ku Saabsan Kordhinta Adeegyo Muhiim Guud Ahaan Degmada King County

0

Laga bilaabo 29-ka Agosto, dadka raaca basaska ee guud ahaan degmada King County waxey arki doonaan kordhintii ugu ballaarneyd adeegyada basaska ee sanadihii ugu dambeeyey la arko, kuwaasi oo ay ku jiraan sagaal meelo cusub oo basasku aadaan iyo in ka badan 3,000 oo bas raacis ah toddobaadkiiba.

Metro waxey kor u qaadeysaa deg-degsiimada iyo ballaarinta adeegga subaxyada hore, gooraha dambe ee fiidkii ah, iyo maalmaha dhamaadka toddobaadka sida Sabtida iyo Axadda. Isbeddelladaasi waxey raacitaanka basaska ka dhigi doonaan kuwo lagu iskui halleyn karo, dadku ka heli doonaan, si wanaagsanna ugu xiran xarumaha tareenka Link light rail ee iyaguna ku sii fidiya gobolka.

“Tani waxey calaamad u tahay maal-gelintii ugu ballaarneyd ee mar qura lagu sameeyo adeegyada basaska Koonfurta King County muddo sanooyin ah,” ayuu yiri Girmay Zahilay oo ah Madaxa Sare ee Degmada. “Horumarkan wuxuu la macno yahay waqti yar  oo baska la sugi doono iyo isku xir  xooggan iyo fursado badan oo ay dadku ku gaaraan meelaha ay doonayaan iney aadaan haddii ay ahaan laheyd shaqo, iskuul, xanaanada caruurta ama aqalladooda. Basas wanaagsan waxey caawiyaan dhisid bulsho xooggan oo ku noolaata King County.”

Isbeddellada xilliga deyrta ee nagu soo fool leh waxa lagu qaabeeyey talooyin dadku soo jeediyeen, in la yareeyo in tareenadu ahaadaan kuwo baratama oo is bar-bar orda iyadoo isla markaana la hagaajinayo isku xiranka meelaha ugu muhiimsan ee ay dadku u baahan yihiin.

Muuqaalada meelaha iyo waqtiyada oo wax laga yara beddelay waxad ka arki kartaan onleen iyagoo ku qoran afafka IngiriisShiineesRuushIsbaanish iyo Fiyeetnaamiis.

Adeeg Basas Wanaagsan oo Wada Gaara Koofurta King County

Koonfurta King County waxey arki doontaa horumarkii ugu weynaa ee isbeddello lagu sameeyo adeegyada basaska Metro 29-ka Agos, kuwaasi oo ay ka mid yihiin socdaallo is daba joog ah, kordhinta saacadaha basasku shaqeeyaan, adeegyo cusub oo dhamaadka toddohaadka ah iyo isku xir xooggan oo dhex mara tareenka fudud iyo baska dhaqsiyaha badan (Link light rail iyo RapidRide.)

Gaariga Metro Flex oo lagu Baahin Doono Koofurta King County 31-ka Agos

Waxey Metro sidoo kale tijaabo gelin doontaa adeegga Metro Flex  ee degmooyinka Auburn iyo Federal Way, kaasi oo dadka siin doonta raacitaan markii ay soo codsadaan kuwaai oo geyn doona xarumaha basaska iyo tareennada laga raaco iyo meelaha kale ee xaafadda dhexdeeda ah. Iyagoo isticmaalaya aabka Metro Flex app, dadku waxey dalban karaan in lagu qaado van-ka loogu talo galay shaqadaasi, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo leh meelo loogu talo kuraasta dadka curyaamiinta ah iyo meelo baaskiillada la saarto iyadoo dadku bixinayaan isla qiimaha ay baska Metro ku raacaan. Raacayaashu waxey aabka kala soo degi karaanApple App Store,Google Play Storeama iyagoo soo wacaya 206-258-7739 si ay u xajistaan raacis marka adeeggu bilowdo maalinta Isniinta  ah ee 31-ka Agos.

Isku Xirka Dhinaca-bari (Eastside) ee Xarumaha 2 Line (stations)

Horumarinta adeegga bas ee Dhinaca-bari (Eastside) wuxuu isku xiri doonaa bulshada ku nool Bellevue ilaa Dooxada Snoqualmie Valley ee xarumaha tareenka 2 Line iyo adeegga tareenka fudud (Link light rail) ee ku teedsan Harada Lake Washington. Isbeddelladu waxey soo kordhin doonaan adeeg isdaba joog ah, kordhinta saacadaha basasku shaqeeyaan iyo hagaajinta isku xiranka guud ee xarumaha gaadiidka dadweynaha ee Eastside transit network.

Jidad Cusub ee Basaska Wuqooyiga King County, isbeddello, iyo dib u habeyn Seattle

North King County dadka basaska raaca waxey sidoo kale heli doonaan ku xiranaan xooggan meelaha basasku dadka ku geyn karaan xarumaha tareenka Link, oo ay la socdaan horumarin lagu sameeyey adeegga bari ilaa galbeed oo lagala tashtay bulshada si si wacan la isugu xiro xaafadda Lake City oo ka gudbeysa waddada I-5 siina tageysa jidka  Aurora Avenue.

Khadka baska lamber 8 ee bartamaha magaalada Seattle wuxuu ahaan mid adeeggiisu is daba joog noqo taasi oo qeyb ka ah maal-gelinta mashruuca Seattle Transit Measure. Basasku waxey ku safri doonaan laymanka cusub ee Waddada Denny Way oo lagu wado in la dhameystiro bishan.

Su’aalo ma qabtaa? Metro waxey marti-gelin doontaa kulamo dadka lagu wargeliyo.  

Dadweynaha basaska raaca waxey wax badan ka ogaan karaan isbeddellada adeegyada nagu soo food leh muddada kulamadaa Metro onleenka ah lagu kala war qaadanayo.

Si aad u cosdato adeeg tarjumaan ama haddii ay jiraan baahiyo kale, fadlan la xiriir community.relations@kingcounty.gov ugu yaraan laba toddobaad ka hor kulanka.

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter