Home FEATURED Febraayo 10, 2026 Doorashada Gaarka ah

Febraayo 10, 2026 Doorashada Gaarka ah

0

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada

– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa

Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka barta VoteWA.gov. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Febraayo 2 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Gaarka ah ee Febraayo 10.

Boostada

Ka soo degso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha barta kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u

cusbooneysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Febraayo 2 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Gaarka ah ee Febraayo 10.

Shakhsi ahaan

Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa barta xarunta codbixinta ilaa iyo Febraayo 10, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections.

Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa

Cusbooneysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusbooneysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Febraayo 2 wakhtiga kama dambeysta ah ee ku aaddan Doorashada Gaarka ah ama shakhsi ahaan noogu soo booqo mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ilaa iyo Febraayo 10, Maalinta Doorashada, kuwaas oo lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka warqadda codbixinta

Maalinta Talaadada, Febraayo 10, 2026 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doonta Doorasho Gaar ah oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.

Warqad codbixin beddelaad ah

Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay.

Caawinaad diyaar ah

Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka guddiga shaahadeynta doorashooyinka

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

Febraayo 19, 2:00 p.m.

Shirka Ugu Horreeya/Ugu Dambeeya ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

Febraayo 20, 1:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta oo Muuqaal ahaan loogu qabanayo bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Janaayo 15, 2026. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 9 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Febraayo 9, 2026, 8:00 a.m.

Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan barta 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Ciwaanka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King waa facebook.com/kcelections. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

Nala soo xiriir

Taleefan: 206-296-VOTE (8683)

1-800-325-6165. TTY Relay: 711

Iimeel: elections@kingcounty.gov

Oonleen: kingcounty.gov/elections

Boosto ama shakhsi ahaan:

919 SW Grady Way Renton, WA 98057

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter